daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyahii Degmada Baraawe Xuseen Barre (Jeex) uu ku dhaawacmay Qarax Miino oo loogu diyaariyay Meel u dhaw Xafiiskiisa Shaqada oo ku yaalla xarunta Degmadaasi.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu Dhaawac Fudud ka soo gaaray Qarax, waxaana Qaraxa lagu qariyay meel aan sidaasi uga sii Fogeyn albaabka Xafiiskiisa, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray gacanta midig.
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ayaa Baaritaan ka bilaabay Gudaha degmada Baraawe, kuwaas oo ku raad jooga Cidii ka dambeysay Qaraxa lagu dhaawacay Guddoomiyaha Degmada Baraawe.
Majirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay qaraxii maanta loo dhigay Gudoomiyaha Degmedda Baraawe, Xuseen Barre.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at