daajis.com:- Madaxa Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin “Colaad” ayaa tilmaamay in Ninka lagu tuhunsan yahay inuu isku dhex qarxiyey Diyaaradda Daallo uu ka mid ahaa 74-kii qof ee Rakaabka ee asasl ahaan ay soo hubiyeen Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo Toddobaadkiiba 3 Duullimaad ku timaada Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
“Rakaabkaasi ma ahayn Rakaabkeenna, waxay ahaayeen kuwa Turkish Airlines ee ku qornaa Duullimaadkii ay Turkish Airlines joojisay maalintaasi” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo Wareysi siiyey Telefishinka Aljazeera.
daaaloWaxa uu intaasi ku daray inay Daallo Airlines loo soo xawilay Rakaabkaasi, kadib, markii ay Saraakiisha Turkish Airlines ku soo wargeliyeen Sarakiisha Daallo Airlines inaysan imaan karin Muqdisho sababo la xiriira dabaylo xooggan oo dhacayey.

Dhinaca kale, Madaxa Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin “Colaad” waxa uu ku eedeeyey Maamulka Turkish Airlines inaysan iyaga la soo xiriirin, tan iyo markii uu Qaraxa ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.
“Turkish Airlines nalama aysan soo xiriirin ilaa markii uu dhacay shilka. Waxaana dhihi kartaa inay iska fogeynayaan shilkaasi” ayuu yiri Ma’uulka ugu sarreeya Guddiga Fulinta ee Shirkadda Daallo Airlines.FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:50 and have
, Published at