daajis.com:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Muqdsho kusoo xeray shir uga socday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho -Golayaasha Sharci dejinta Soomaaliya intii u dhaxeysay 17-20 February 2016.
Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay furitaanka Munaasabadda shirka lagu soo xeray ayaa tilmaamay in qorshaha ay golayaasha sharci dejinta isla ogolaadeen ay ka mid tahay in marka guddiga Baarlamaanka Federaalka u xil saaran arrimaha Dastuurka marka ay baxayaan oo Dastuurka ay geynayaan Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada ay raacaan sidoo kale dhammaan Xildhibaannada deegaan doorashadooda loo socdo ee heer federaal waxaana uu dhanka ballan qaaday in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka uu wada shaqeyn joogto ah la yeelan doono goleyaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqadir Shariif Sheekh Unaa oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muhiimad u siinayo wadatashiga golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada waxaana ay si wadajir ah u sheegeen iney raacsan yihiin heshiis is afgarad la xiriira mabaadii’da hagaya iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa golayaasha sharci dejinta Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:12 and have
, Published at