daajis.com:- Barbaarinta ubadka tubta toosan waa fan iyo hawl ay yartahay inta sugi karta. Waa fan laga qoray buugaag waaweyn iyo kuwo yaryarba. Halkaan waxaan kuugu soo gudbin doonaa qodobbo kooban oo aan rajeynayo in ay anfici doonaan waalid waliba oo doonayo in uu u badkiisa ku hago tubta toosan.
Caqiidada
1. Bar ubadkaada kalmadda towxiidka, waxa ay nafareyso iyo waxa ay naga reebeyso.
2. Bar ujeedada naloo keenay koonka ee ah in aan caabudno Allihi na abuuray.
3. Ha ku badin ku cabsi galinta naarta, ciqaabta iyo carada ilaahay si uusan Ilaahay uga qaadan malo xun.
4. Ku beer jacayka Ilaahay sababtoo ah waa midki na abuuray noona fududeeyey ku dul noolaanshaha koonkaan.
5. U sheeg in uusan sameyn waxyaalaha xun xun marka uusan kula joogin ama uu kaligiisyahay sababtoo ah Allaa u jeedo.
6. Bar hal-kudhegyada wanaagsan, ducooyinka iyo adkaarta maalin laha ah ee nabiga ka sugnaaday.
7. Ku beer jacaylka shakhsiyadda rasuulka (SCW), ku sallintiisa mar walba oo uu maqlo magaciisa. Uga sheekee qisooyinkiisi, hab-nololeedkiisi iyo akhlaaqdiisi.
8. Bar ku qancidda qadarta iyo qadaha Ilaahay. Wuxuu doono ayaa dhaco wuxuusan dooninna ma dhacaan.
9. Bar ubadkaada lixda tiir ee Iimaanka.
10. Joogtee u bandhigidda ubadkaada weydiimo la xariira caqiidada sida; waa kuma Rabbigaa? Nabigaada? Diintaadu waa tee? Maxaa naloo abuuray? Yaa na quudiyo, na waraabiyo na caafiyo? Muxuu yahay shirkiga, munaafaqnimada iyo Gaalnimada?. U sheeg halka ay ku danbeeyaan gaalada, mushrikiinta iyo munaafiqiinta ugana dig marinkooda xun iyo ku dayashadooda.
Ku Xirnaashaha Rabbi
11. Bar caruurtaada shanta tiir ee islaamka.
12. Bar ubadkaada salaadda iyo qaabka loo tukado. “Fara ubadkiina salaadda marka ay toddoba jirsadaan kuna qaraaca marka ay toban jirsadaan”.
13. U wad masaajidda oo bar sida loo weyseysto.
14. Bar aadaabta masaajidda, ixtiraamkooda iyo muqaddasnimadooda.
15. Bar soonka si uu marka uu weynaado ula qabsado.
16. Ku tarbiyee xifdinta qur’aanka inta uu awoodo, axaadiista iyo adkaarta sugan ee saxiixa ah.
17. U samee abaal-marin mar kaste oo uu ubadkaadu kobciyo xifdiskiisa.
18. Haku dhibin caruurtaada in ay wax badan xifdiyaan oo ay u arkaan ciqaab kadibna nacaan xifdinta qur’aanka.
19. Ogow in aad caruurtaada u tahay hogaamiye ay ku daydaan sida aad ugu firfircoontahay ama aad uga gaabiso ku xirnaashiyaha Ilaahay ayey iyaguna noqonayaan.
20. Bar ubadkaada sadaqada iyo wax bixinta. Wax sadaqee asagoo ku arkaaya ama kula socda. Asaga u dhiib waxa aad bixineyso si uu usiiyo miskiinka ama u sheeg in uu sadaqeeyo lacagtiisa jeebka ugu jirto ee aad horay u siisay.
Qeybta labaad la soco kobciyemedia.com waxaana kaga hadli doonaa sida loosoo saaro ubad aqlaaq badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at