Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxeen Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug

Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxeen Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug

daajis.com:- Wararka ka imaanaya degaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo ay Shalay Qorax dhicii ay la wareegeen Ciidamo aad u badan oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa Saaka waxaa la soo sheegayaa in ay Shabaab ka baxeen halkaasi.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka baxeen Magaalada,kuwaas oo aan wali la ogeyn halka ay ka Aadeen Garacad.

Shabaabka Shalay la wareegay Degaankas ayaa ku yimid ilaa Lix Doomood oo dhanka Badda Koofureed ay ka soo galeen.

Sidoo kale Al-shabaabka halkaa gaaray ayaa Dadka  Magaalada iskugu yeeray,kuwaas oo u sheegay in Magaalada ay ka sii gudbayaan,waxaana ay intaa ku dareen in ay la dagaalamayaan Ciddii Qori lagu Arko.
Dhanka kale Puntland  ayaa Ciidamo aad u badan u dirtay  Degaanka garacad ee Gobolka Mudug si ay Al-shabaab uga Fara maroojiyaan Shabaab,balse la soo sheegayo in Shabaab ay ka baxeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada