daajis.com:-Lix
xanuun oo ay ka mid yihiin Dhan-jafka iyo lafa-burburka ayaa ay
khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in ay ku dhici og yihiin dumarka marka
la barbar dhigo ragga, kagaba dhibaatayn badan yihiin. Arrintan oo ay
xeel-dheerayaashu ku macneeyeen kala duwanaanshiyaha abuurka ah ee
qaab-dhismeedka jidheed ee ragga iyo dumarka waxa kale oo ka mid ah
dhabar xanuunka.
Xeel dheerayaal
caafimaad oo arrintan baadhitaan ku sameeyey ayaa sheegay in dhan-jafku
uu dumarka ku badan yahay saddex jeer laab marka la barbar dhigo ragga,
taas oo noqonaysa in Afartii ruux ee dhan jaf qaba, saddex ka mid ahi ay
dumar yihiin. Cilmi baadhista ay khubaradu arrintan ku sameeyeen wawxa
ay tilmaamaysaa in marka la eego tirada guud ee dunida ay dumarka qaba
dhan-jafku ka noqonayaa boqolkiiba 18, halka ay raggu ka yihiin
boqolkiiba lix keliya.
Waxa kale oo ay
daraasaddu tilmaamtay in cudurka lafaha burburiya oo afka qalaad lagu
yidhaahdo Osteoporosis uu saddexdii dumar ahba mid ku dhaco, sidaa
awgeed uu yahay cudurrada inta badan dumarka aad ugu dhaca.
Xanuunka saddexaad ee
ay cilmi baadhistani iftiimisay in uu dumarka ku badan yahay ayaa
noqday dhabar xanuunka oo ay khubaradu sheegeen in dumarku ay ragga kaga
badan yihiin, isla markaana uu ka wax yeellayn og yahay, waxa afar ku
ah xaglo xanuunka oo dadka uu ku dhaco saddex meelood laba ay yihiin
dumarka.
Xanuunka afka
qalaad lagu yidhaahdo Multiple Sclerosis oo weerara hab-dhiska
neerfayaasha iyo muruqyada ayaa ka mid ah cudurrada sida gaarka ah
dumarka ugu badan. Cudurkan oo la sheegay in afartii ruux ee uu ku dhaco
saddex ka mid ahi dumar yihiin ayaa lagu yaqaannaa awoodda muruqyada oo
uu dilo, isu dheelli tiranka jidhka oo uu lumiyo, aragga oo uu
daciifiyo, miyir beel, xummad aad u sarraysa iyo dhaqdhaqaaqa xubnaha oo
adkaada.
Dhinaca kalana waxa
ay khuabradu sheegeen in kala duwanaanshiyaha jidheed ee abuurka ah ee
ragga iyo dumarku uu sidoo kale keeno in xanuun isku mid ah oo labada
jinsi ku dhacay uu yeesho calaamado kala duwan, waxa aanay tusaale u soo
qaateen wadne xanuunka oo ay khubaradu sheegeen in ragga iyo dumarka uu
u qabto siyaabo kala duwan.
Dumarka inta badan
wadne xanuunku waxa uu ku keenaa dawakhaad iyo dhabar xanuun, sidaa
awgeed dhakhaatiirta iyo shaybaadhka waxaa ku adkaata in ay hore u
gartaan in xanuunka gabadha hayaa uu yahay wadnaha. Xanuunka oo keliya
ma’aha ee sidoo kale waxaa kala duwan daweynta xanuunka ee ragga iyo
dumarka, taas oo sababteedu ay tahay kala duwanaanshiyaha dhinaca
hormoonnada ee ninka iyo gabadha iyo weliba qaab-dhismeedkooda bayooloji
oo meelo aad u badan ku kala duwan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:00 and have
, Published at