daajis.com:-Gabaryaheey erayo yar ayaa laga yaabaa in nolosha ninka ay wax weyn
ka badasho , waxaa jira erayo ninka farxad gilinaya halka erayo kalana
ay bur buriyaan nolosha ninka ,Hadaba daajis ayaa ku siineysa
talooyin iyo erayada uu ninka jecel yahay in uu maqlo .
1- Aniga Waan Ku Garab Taaganahay : ninku waxa uu u baahan yahay
taageero macnawi iyo nafsiyan ah si joogta ah , erayada ugu macaan ee
nafsiyan ninku jecel yahay waxa ay tahay in uu dareemo in kaligiis uusan
aheyn .
In uu maqlo erayada ah aniga ayaa ku garab taagan ninku waxa ay siineysa
awood iyo dhiira gilin u saamaxeysa in uu horay u sii dhaqaaqo .
2-Waxaa Tahay Aabo Wanaagsan: Ogaaw hadii ninku yahay aabo aad ayuu u
jecel yahay in uu maqlo erayga ah aabo wanaagsan ayaa tahay , tani waxa
ay dhab ahaan ugu filan tahay farxad middii ugu dambeysay

4-Muuqaalkada aad ayuu u wacan yahay : haween badan ayaa aamisan
in ninku uusan dan ka laheyn ,muuqaalkiisa oo uusan dan ka laheyn in
dadka muuqaalkiisa cajab giliyo balse tani ma jirto .
Erayada uu ninka jecel yahay in uu lamaantiisa ka maqlo waxa ay tahay
muuqaalkada aad ayuu u u qurxoon yahay iskaba daayee labiskaada .
5- aad ayaad u caqli badan tahay : tilmaanta caqli badnaashaha waa midda ninka mar waliba uu rajeeyo in uu lahaado .
Ha ka bakhiilin in aad ku tiraahdo aad ayaa u caqli badan tahay tani
waxa ay u muujineysa in dadka kale iyana ay qadarin u hayaan oo ay
dareemayaan caqligiisa badan .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 12:00 and have
, Published at