Askari ka tirsan Ciidanka Kenya Ee ka badbaaday Weerarkii Ceel-cadde oo Is toogtay

Askari ka tirsan Ciidanka Kenya Ee ka badbaaday Weerarkii Ceel-cadde oo Is toogtay

daajis.com:- Wargeyska The Star ee Kenya kasoo baxa ayaa qoray maanta in askari ka tirsanaa ciidamada Kenya ee ka howl galay Soomaaliya uu isku dhex dal dalay gurigiisa oo ku yaala magaalada Busiya eek u taala xada ay wadaagaan Kenya iyo Uganda.

Askarigaan is dilay oo magaciisa lagu sheegay Joash Ochieng Magar oo 52 sanno jir ahaa ayaa xubno ehelkiisa ka mid ah waxay warbaahinta dalkaasi u sheegeen inuu qolkiisa isku dhex dilay.

Gabar  la dhalatay askarigaan Kenyanka ah ee is dilay  ayaa u sheegtay wargeyska The Star inuu maalmo ka hor  ka laabtay Soomaaliya waxaana uu qeyb ka ahaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Inuu maalmahaan isku buuqsanaa oo ay malaynayaan inay haysatay dhibaato dhanka maskaxda ah ayay sheegtay.
Wararku waxay sheegayaan askarigaan uu ka mid ahaa saraaakiil bishaan kusoo baxay liiska asarta hawlgaba noqonaya.

Boolisku Busiya ayaa sheegay sheegay inay baaris wadaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada