daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Baladweyne ka dhacay Bannabax ay dhigeen Dhalinyaro ka soo hor jeeday shirka ka socda magaalada Baledweyne.
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa Magaalada Baledweyne waxa ay kala cayriyeen dad isku soo bax ka dhigayay Magaalada, kuwaasi oo ka soo horjeeday Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa dadkaan rasaas nool nool u adeegsaday, taasi oo keentay saddex ruux oo ka mid ahaa dadkii Banaanbaxa dhigaayay inay halkaasi ku dhaawacmaan.
Ciidamada ayaa la sheegay inay rasaas u adeegsadeen dadkii isku soo baxay, Saddexda ruux oo uu dhaawac soo gaaray ayaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Baledweyne, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Degmada ayaan weli ka hadlin dhacdadan lagu dhaawacay saddexda ruux ee ka tirsanaa banaanbaxayaashii idusu soo baxay Magaalada Baledweyne.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at