Beesha Gaal-Jecel oo qaswade ku tilmaamay…

Beesha Gaal-Jecel oo qaswade ku tilmaamay…

daajis.com:-   Iyadoo Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ku fashilantay hirgalinta qorsho lagu taabagalinaayo shirka hakat-ka galay ee ka socda magaalada Jowhar, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Nabadoonada Beesha Gaal-jecel.

Ugaas C/raxamaan ugaas C/llahi Ugaas Muxumad oo ah Ugaaska Beesha Gaal-jecel, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ku jirto riyo maalmeed, waxa uuna tilmaamay in riyadaasi ay ka bixi doonto goortii ay garwaaqsato khaladkeeda.

Ugaaska waxa uu sheegay in marnaba Beesha Gaal-jecel aysan aqbali doonin qorshaha ay Dowlada Federaalka ku dooneyso in Beesha dib loogu celsho shirka Jowhar, waxa uuna carab dhabay in fashil waliba ay iyada sabab u tahay islamarkaana dusha saaran-doonto.

Ugaas C/raxamaan ugaas, waxa uu bidhaamiyay in ka beel ahaan aysan xiligaani aaminsaneyn wada-xaajoodka ay la furayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, waxa uuna sheegay in Wasiirada uu Xassan Sheekh usoo diray ay yihiin qaswadayaal kasoo horjeeda in natiijo laga soo saaro shirka Jowhar.

Sidoo kale, qaar kamid ah Odayaasha Beesha Gaal-jecel, ayaa sheegay in sababta ay ula kulmi la’ yihiin Odawaa ay tahay kadib markii ay heleen macluumaad sheegaya in Dowladu ay Beelaha kasoo jeeda G/Sh/Dhexe la gashay heshiis ah in Faarax C/qaadir ay taageero u muujiyaan si uu u noqdo Madaxweynaha Cusub ee maamulka la dhisaayo.
Sidaa aawgeed Odayaasha Beesha Gaal-jecel waxa ay sheegen in Wasiir Odawaa uu yahay qaswade mudan inaan lagala hadlin arrimaha shirka Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee, Odayaasha Gaal-jecel ayaa Dowlada Somalia ku eedeeyay in madaxtinimada maamulka cusub ay la dooneyso shaqsi ay ku sheegen inuu yahay adeege u shaqeeya Dowlada Ethiopian kaasi oo ay ula jeedan Faarax C/qaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada