Ciidamada NISA oo fashiliyay qarax la damacsanaa in shacabka Muqdisho..

Ciidamada NISA oo fashiliyay qarax la damacsanaa in shacabka Muqdisho..

daajis.com:- Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA  ayaa saakay FashiliSay  qaraxyo ay al-shabaab damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan  Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka ku nool degmada Hodan ayaa hay’ada NISA kusoo wargeliyay in gaari nuuciisu yahay Kaarib yaallo Ex Madaxtooyadii Hore ee Cabdiqaasim Degmada Hodan kaas oo lagu xiray Walxaha qarxa, iyagoo durbadiiba gaarigaas ka fur-furay Qaraxyadii ku xirnaa.

Dadkii Shacabka ahaa ee ka ag dhawaa goobta gaariga Walxaha qarxa uu ku xiranyahay ayaa Ciidamadu waxa ay ku Amreen in ay dibadda u baxaan si dhibaato u soo gaarin.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in gaarigaan la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo laakiin xogta Shacabka lagu ogaaday Arrintaan.

“Gaarigaan waxaa saarnaa dhexdiisa Shidaal Rasaas, bambaanooyin iyo gumacyo rasaas ah ciidamada Qaranka NISA ayaana  si geesinimo leh  uga hortagay” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale ciidamada ayaa fashiliyey qarax kale oo lagu soo xiray gaariga uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo marayey nawaaxiga wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay miinada ka furaan, iyadoo muwaadinkii gaarigiisa qaraxa loogu xiray uu ciidamada amniga uga mahadceliyay qaraxa ay ka badbaadiyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada