Ciidamadda Badda Somaliland iyo kuwa Jabuuti oo isku Weeraray Maraakiibta Dagaalka (VIDEO)

Ciidamadda Badda Somaliland iyo kuwa Jabuuti oo isku Weeraray Maraakiibta Dagaalka (VIDEO)

daajis.com:-  Waxaa uu dagaal qaraari oo badda gudaheeda ka dhacay dhex maray ciidamadda badda ee dalka Jabuuti iyo iyo kuwa somaliland
Hal askari ayaa ku geeriyooday, laba qof oo midkood askari yahayna waxa soo gaadhay dhaawac kadib markii ay sheegeen inay soo weerareen ciidamada badda ee dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda dhinaca Somaliland.


Labada qof ee dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira kabtankii markabkaas Masar, oo Somaliland ay sheegtay inay ruqsad siisay inuu goobahaasi ka kaluumaysto.

Dowladda Jabuuti weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee waxaa lasoo sheegayaa in dhacdadan ay iminka ka wada hadlayaan labada dhinac.

Somaliland iyo Dalka Jabuuti ayuu cilaaqaad koodu qaboobay, laga soo bilaabo markii dad ka soo gudbay xadka Somaliland ay la leedahay dalka Jabuuti ay isku qarxiyeen goob ay ka cunteeyaan dadka reer galbeedka ah ee ku sugan dalka Jabuuti sanadkii 2014-kii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada