daajis.com:- Ciidanka Kooxda shabaab oo kadagaalamaayo Togga Suuj ayaa Sameeyay mid ka mid ah falalka gurac ee ay kula kacaan Shacabka rayidka ah, iyagoona afduub u gaystay 3 Qoys oo ka kooban 20 Ruux oo isugu jira Haween, caruur iyo Dad waayeel ah, waxaana xogta laga helay laba ka mid ah dadki la afduubtay oo soo baxsaday.
Cabdulqaadir Cabdulaahi oo ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in xogta ay ka heleen dadkii soo baxsaday ay sheegay in ilaa 12 nin ay guriga Reerka tageen kadibna iyagoo jooga ay Ciidanku ka gareen kuwaas oo haatan ku hareeraysan, wuxuuna sheegay in Kooxda ay tahay mid naf lacaari ah ayna maalmihii ugu dambeeyay godoonsanaayeen aysna helin cuno marka laga reebo biyaha Togga ceelashiisa ay ka cabayaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at