Daawo: Ciidamo Boolis ah oo mud kadib ka howlgalaya Jalalaqsi

Daawo: Ciidamo Boolis ah oo mud kadib ka howlgalaya Jalalaqsi

daajis.com:- Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen, Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ay weliyaan saraakiil isugu jira boolis, Soomaali iyo AMISOM, iyo taliyaha qeebta Booliska Gobolka Hiiraan Col’isaaq cali cubdule ayaa shalay garay dagmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan

Ujeedka safarka Gen,Maxamed shiikh xasan xaamud Taliyaha Booliska soomaaliya uu ku gaaray Degmada Jalalaqsi ayaa ah bogaadinta  ciidamo boolis ah oo muda 26’sana ah kadib ka howlgali doono degmada jalalaqsi waxana garoonka diyaaradaha jalalaqsi ku soo dhaweeyay Taliye ku xigenka ciidama ciiltire ee ka socda Dalka Jabuuti

.Intasi kadib Taliyaha ciidamada booliska iyo xubnihii la socday ayaa gaaray saldhiga booliska Degmda si ay usoo indha indheyaan qeybaha uu ka kooban yahay saldhiga maadama ay howlgali donaan ciidamada booliska ee maanta gaaray Jalalaqsi.

Munaasabada kooban oo lagu qabtay gudaha magaalada jalalaqsi ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay qaar kamid dadka ku dhaqan jalalaqsi waxa ayna siweyn usoo dhaweeyeen wafdiga maanta gaaray iyagoona balan qaaday iney la shaqeyn donaan ciidamada booliska.

Sidoo kale Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col’isaaq cali Cabdulle oo madasha ka hadlay ayaa shacabka ku nool jalalaqsi ka codsaday iney la shaqeyaan ciidamada booliska ee lasoo gaarsiyay degmada.

Ugu Dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Maxamed Shiikh Xasan Xaamud waxa uu dadka ku nool Jalalaqsi uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaatan horumarka ciidamada booliska degmada iyo dhamestirka Ciidama Booliska maadaama ay yihiin ciidamadii ugu horeyay ee boolis ah oo laga howlgaliyey Degmada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada