Daawo:- Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas oo Garoowe ugu furmay wada hadal ku saabsan 4.5

Daawo:- Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas oo Garoowe ugu furmay wada hadal ku saabsan 4.5

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalka uu ku tegay magaalada Garoowe, isagoo sheegay in Puntland ay ka wada hadli doonaan masiirka ummadda Soomaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu ku jiro dalka, waddankana loogu jihayn lahaa meel wanaagsan.

Cumar C/rashiid ayaa bogaadiyay howlgalada ay ciidamada Puntland kaga hortageen ururka Al-Shabaab, isagoo sheegay in ay ka taageeri doonaan sidii loo hormarin lahaa ciidamada Puntland iyo in la gargaaro kuwii ku dhaawacmay howlgaladii lagu sifeynayay Al-Shabaab.


Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaruhu la xiriiro sidii  Puntland iyo Dawladda Federaalka y uga wada hadli lahaayeen geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka Soomaaliya.
Cumar C/rashiid ayaa inta uu joogo Garoowe, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda Puntland, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada.
Puntland, waxay si weyn ugu soo horjeedaa nidaamka lagu saleeyay doorashada dhici doonta bartamaha sanadkaan oo la go’aamiyay in qaabka 4.5 lagu soo xuli doono xildhibaanada iyo wasiirada imaan doona.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada