Daawo:- Galmudug oo soo bandhigtay 22 maxaabiistii laga qabtay Al-Shabaab

Daawo:- Galmudug oo soo bandhigtay 22 maxaabiistii laga qabtay Al-Shabaab

daajis.com:- Maamulka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo maanta kussoo bandhigtay 22 maleeshiyo oo ka mida Alshabaab ay shalay ciidamada Galmudug  ku soo qabteen dagaal bariga Gobolka Mudug ku dhex maray maleeshiyadii Alshabaab ee kasoo firxatay degaanka Garacad.

Maxaabiista ay ciidamada Galmudug soo bandhigeen ayaa gaareysa 22 maxbuus oo qaarkood ay yihiin caruur da’ yar, oo ka muuqda dhaawacyo, waxaana ku jira qaar waaweyn.

Dagaalka ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyada Alshabaab ee soo gashay degaanada Galmudug ayaa weli socda, waxayna wararku sheegayaan in saraakiishii hogaamineysay dagaalka ee Alshabaab ay ka mid yihiin kooxda u soo gudubtay Galmudug.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada