daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu Ugaasyada iyo waxgaradka gobalka Hiiraan ku qanciyo in ay qeyb ka qaataan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo shirkiisa uu ka furan yahay magaalada Jowhar.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeeda qaabka shirka uu u furmay iyo ergooyinka oo muran uu ka taagan yahay, waxaana maalin ka hor magaalada Baladweyne tegay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo kulankii uu la qaatay Ugaasyada iyo waxgaradka Hiiraan waxba kasoo bixin kadib markii labo shuruud ay hordhigeen Ugaasyada, shuruudahaasi oo kala ahaa in gogosha shirka laga soo raro Jowhar iyo in la qabto shir dib u heshiisiin.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaya wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamedwaxaana horey magaalada u sii joogay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Lama waxa uu kusoo kordhin doono safarka Madaxweynaha iyo in uu ku guuleysan doono safarkiisa labaad ee mudada bisha gudahooda ku tegay Baladweyne.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at