Daawo:- Mukulaal Post lagu diray oo 8 maalmood safar kujirtay oo badbaaday

Daawo:- Mukulaal Post lagu diray oo 8 maalmood safar kujirtay oo badbaaday

daajis.com:-  Julie waa haweeney u dhalatay dalka Britain, isla-markaana iska leh bisadan, waxayna sheegtay inay si khalad ah Post uga dirtay baakad ay ku jirtay bisadaasi, oo muddo sideed maalmood wadada ku sii jirtay, iyadoo si layaab leh kaga badbaaday maqashadaasi.

“Si khalad ah ayaan u diray baakaddii ay ku jirtay Cookie. Baakadda waxaan ka diray Magaalada Falmouth, waxaana u diray Magaalada Worthing. 260 meyl ayay wadada ku sii jirtay.” Ayay tiri Julie.

Waxay sheegtay inaysan waxba ka ogayn qaabka ay bisaddu u gashay baakadda. Baakadan oo ah nooca lagu keeno DVD-yada, ayay haweeneydaasi sheegtay inay agabyo ku direysay.
“Waxaan dareemayaa cabsi sida ay wax u dhaceen. Agabyadii aan diraayay baan geliyay baakadda, waana diray. Marka maba ogayn sida ay u dhex gashay baakadaasi.” Ayay tiri Julie.
Julie, ayaa tiri “Waa wax mucjiso ah, maxaa yeelay way ka badbaaday mashaqadaasi xun. Intii ay iga maqneyd meel kasta waan ka raadiyay, illaa aan ka xaqiiqsado inayba iga maqan tahay. Waa wax aad u xun, cabsi ayaana dareemayaa.”

Ka dib baaritaan lagu sameeyay caafimaadka Cookie, ayaa waxaa lagu ogaaday in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay, marka laga soo taggo daal iyo haraad ba’an oo haayay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada