Daawo: Qaraxyadii ka dhacay Brussels iyo dhimashada 30-Qof Warbixin+Video

Daawo: Qaraxyadii ka dhacay Brussels iyo dhimashada 30-Qof Warbixin+Video

daajis.com:-   Ugu yaraan saddex qarax ayaa maanta ruxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayada oo laba ka mid ah qaraxyada ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada, halka mid kalena uu ka dhacay xarunta tareenada laga raacay.


Warbaahinta dalka Belgium, ayaa ku warramaya in 30 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyada, halka 130 kalena ay ku dhaawacmeen.

Muuqaallo ayaa muujinayey dad ka kala cararaya garoonka Zaventem, halkaasi oo laba qarax ay ruxeen, abaare sideeddii subaxnimo. 11 qof ayaa halkaas ku geeriyooday.



Waxyar kadib ayaa warbaahinta gudaha waxa ay ku warrameen in qarax kale uu ka dhacay xarunta tareenada magaalada. Illaa 15 qof ayaa qaraxaas ku geeriyootay, ayada oo 55 kalena ay ku dhaawacmeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada