Daawo:- Sacuudiga oo fuliyay xukuno qoor goyn & daldalaad isugu jira

Daawo:- Sacuudiga oo fuliyay xukuno qoor goyn & daldalaad isugu jira

daajis.com:-  Boqortooyada Sacuudiga, ayaa isbuucaan fulisay xukuno isugu jira qoor goyn iyo daldalaad, xukunadaan adag ayaa waxaa lagu fuliyay Haween iyo rag.

Ilaa 5 qof oo rag ah ayaa waxaa lagu fuliyay xukun daldalaad ah, waxaana laga soo laadlaadiyay meel sare, 5 qof ayaa lagu helay dambi xatooyo ah, shantaan ruux ayaa markii la daldalay waxay meesha kasoo laad-laadeen ilaa 5 maalmood, waxayna boqortooyada sidaas u sameysay, ineey ku quus qaataan kuwa ku fikira falal xatooyo.



Muuqaal lasoo bandhigay, ayaa sidoo kale waxaa kujiray Haweeneey loo soo xiray dhar Madoow islamarkaasina lagu fuliyay xukun qoor goyn ah, haweeneeydaan ayaa iyadana ku eedeysneed dilka Gabar ay dhashay.

Haweeneeydaan ayaa markii qoorta laga gooynayay ku qeeylineysay, “Aniga ma dilin”, sidoo kale Muuqalakan lasoo bandhigay waxaa kujiray, nin ku labisan Khamiis cad oo asigana qoorta laga jarayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada