daajis.com:- Xafiiska warfaafinta Al-shabaab ee Al-kataa’ib, ayaa soo bandhigay sawiro cusub oo laga soo qaaday Xeerada Ceel-cade, halkaasoo Bishii January 15-keedi lagu xasuuqay Ciidamo Kenyan ah.
Sawiro Shabaabka ay ka soo qaadeen Saldhigii ciidanka Kenya ee Ceelcadde, ayaa muujinaayay gaadiidka gaashaman ee ciidamada Kenya ay leeyihiin oo lagu gubay dagaalkii ka dhacay Ceelcadde.
Guud ahaan waxaa la dareemaya goobta inuu ka dhacay dagaal culus oo dhibaatooyin kala duwan lagu gaarsiiyay ciidanka Kenya hadii ay ahaan laheyd askarta la laayay iyo hadii ay tahay Khasaare soo gaaray gaadiidka ciidanka Kenya.
Dowladda Kenya weli si toos ah uma aysan shaacin tirada Askarta looga dilay weerarkii Ceelcadde, iyadoo ka meer meeraysa Kenya inay Warbaahinta ka sheegto tirada Askarta.
15-kii Bishii January ayuu dhacay weerarkii Abaabulnaa ee Shabaabka ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ay ku lahaayeen ciidamada Kenya, waxaana halkaasi lagu dilay in ka badan 100 Askari.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:44 and have
, Published at