daajis.com:- Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa bilihii danbe noqonaya mid ay xaalad nololeedka maxaabiista ku jirta xabsigaasi ay soo hagaageyso.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay isbedelkan inuu yahay mid lagu doonaayo in lagu dhiso mooraalka Maxaabiista ku xiran Xabsiga.
Dhalinyarada Xabsiga ku xiran oo qaarkood kiisas kala duwan u xiran ayaa nolol cusub ku dhex dareemay Xabsiga Dhexe ee Xamar oo markii hore dhibaatooyin kala duwan ay ka jireen.
Sidoo kale Maxaabiista Xabsiga ku xiran ayaa waxaa loo dhameystiray Sariiro ay ku seexdaan oo markii hore uusan laheyn xabsiga oo ay maxaabiista dhulka seexan jireen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at