daajis.com:-Maroodi carreysan ayaa meel hood ah oo ka mid ah dalka Koonfur Afrika ku helay dad dalxiisayaal, iyadoona maroodiga uu dowr jeer isku dayay inuu gaariga la rogo dalxiisayaasha, balse ay ka badbaadeen.
Dadkaan ayaa safaro dalxiis ah ku marayay meel hood ah oo uu u badan yahay maroodiga oo ku taalla Koonfur Afrika, waxaana maroodiga uu dowr jeer madaxa ku herdiyay gaari ay wateen dadkaan dalxiisayaasha ahi.
Dalxiisayaashaan ayaa xoogaa wadnaha farta ku hayay, kadib marki uu maroodiga saddex jeer madaxa ku herdiyay gaari ay siteen.
Darwalka waday gaarigaan ay saarnaayeen dalxiisayaasha ayaa isku dayay inuu gaariga si gadaal gadaal ah ku socodsiiyo, maadaama uu hor istaagay maroodiga.
HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at