daajis.com:- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo dib ugu soo laabtey Muqdisho ayaa ka hadley, kulankii uu Talyaaniga kula soo qaatey raysalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, Al-shabaabka ka dagaalamaya Puntland iyo Abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya.
Dhanka Dagaalada Puntland iyo al-Shabaabka ku duuley ayaa Raysalwasaaruhu sheegay in Puntland isaga filantahay dagaalka ay kula jirto al-Shabaab, waxaana uu meesha ka saarey in ayba jirto baahi loo qabo in AMISOM la geeyo Puntland. Cumar Cabdirashiid ayaa al-Shabaabka ku tilmaamey firxad, gacan waan ka geysaney taageerada Puntland haddana mid weyn ayaan ka geysan doonaa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa mar uu ka hadley abaarta ka taagan guud ahaan dalka gaar ahaan Waqooyiga sheegey in abaarta ay guddi u sameeyeen, meelaha abaartu saameysey ayuu sheegay in ay ka mid yihiin maamulada Galmudug, Puntland iyo Somaliland, waxaana uu ballan qaadey in ay qaylo dhaan gaarsiinayaan beesha caalamka si abaarta wax looga qabto.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at