daajis.com:- Hooyadaan oo la dhibaataysan xaalad aan la dawayn karin, sababtana kacsi joogto ah, xilliyada ay dukaamaysanayso ama ay ilmaha dugsiga u daabulayso.
Cara Anaya-Calis oo 30 jir ah, waxay u dul qaadataa 6 saacadood oo kacsi ah maalin walbo. Marna waxaa soo martay inay kacsato 180 jeer 2 saacadood gudahood. Ayadu waxay la ildarnayd kacsiga joogtada (Genitasl Persistent Disorder) ah muddo 3 sanno ah.
Cara-AnayaHooyadaan waxay tiri: Arrintan waxay kharribaysaa noloshayda, anigoo aqalka aan ka bixi karin ama aanaan shaqaysan karin. Mrs. Anaya-Carlis, waxay xaaladdaan ku dhacday xlli ay bannaanka u aadday dukaamaysi. Waxay isku dayday inay biyo qabow ku qubaysato, cuntadeedana (diet) wax ka badasho. lloowse wax uga suuragalay ma jiro.
Hase yeeshee, hooyo Cara Anaya-carlis oo ku nool Gobolka Arizona ee dalka Maraykanka, waxay tiri: “Xaaladdaan naadirka ah oo sababto hirar daran oo raaxo ah, waxay kharribaysaa noloshayda, anigoo noqday guri-fadhiid (house-bound) isla markaana aan shaqaysan kain.
Mrs. Anay-Carlis iyo saygeeda Tony, waxay dhaleen wiil 10 jir ah oo lagu magaabo Merrick. Waxay ka meermeertaa in bannaanka lagu arko, kana yaxyaxsan tahay in xaaladdaan ay u sheegtay shaqo-bixiye shaqo siin rabo. Waa yaxyax, waa wareer, waa dullayn ayeey tiri.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:00 and have
, Published at