Dagaalyahaanadii qabsaday deegaanada Puntland oo shaaciyay waxa ay yihiin & Puntland oo wax ka og duulaanka

Dagaalyahaanadii qabsaday deegaanada Puntland oo shaaciyay waxa ay yihiin & Puntland oo wax ka og duulaanka

daajis.com:- Wararka ka imaanaya deegaanka Garmaal oo qiyaastii 80km dhanka bari kaga beegan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ka baxay Garacad ay bilaaben in dadka deegaan ay u sheegan waxa ay yihiin.

Maleeshiyaadka oo deegaanada cusub kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka ayaa u sheegay inaysan aheyn Al-shabaab balse ay yihiin Dagaalyahaano taabacsan Kooxda Daacish.

Maleeshiyaadkaani oo kor u dhaafaya 350 ayaa waxa ay maanta ka qadeeyen bannaanka Deegaanka Garmaal, waxaana lasoo warinayaa inuu soo gaaray gurmad dheeri ah oo ku socday ilaa 3 doonyo nooca waaweyn ah.

Maleeshiyaadkaani ayaa dadka deegaanka u cadeeyay inay taabacsan yihiin Koox la yiraahdo Daacish, balse ujeedkooda uu yahay inay faafiyaan Diinta islaamka, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Sidoo kale, Maleeshiyaadka Garmaal la wareegay ayaa dadka deegaanka u sheegeen inay aad u farabadan yihiin islamarkaana aysan aqbali doonin in dhaqdhaqaaq lagu sameeyo deegaanada ay ku sugan yihiin.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in maleeshiyaadkaan Garmaal jooga ay doonayaan inay caawa saqdhexe qabsadaan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in waxbadan ay kala socdeen socdaalka Maleeshiyaadkaani islamarkaana inta aysan soo bixin la kala saxiixday axdi ah inaan leysku xadgudbin oo laga horqaado Ciidamada si ay mariin uga dhigtaan.

Docda kale, Garmaal waa deegaan xeebeed hoostaga degmada Dangoroyo, waana marsada labaad ee Gobolka Nugaal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada