Daraasad Cusub: Ninka Hurdada Ku yaraato Xaaskiisa sidaan ayuu yeelaa

Daraasad Cusub: Ninka Hurdada Ku yaraato Xaaskiisa sidaan ayuu yeelaa

daajis.com:- Inuu qofku habeenkii si fiican u seexdo waxay u leedahay faa’iidooyin badan, waxaannu qofka hela hurdo aad u fiican noqdaa mid maskax ahaan iyo caafimaad ahaanba deggan.

Khubaro caafimaad oo Ingiriis ah, ayaa tilmaamay in qaybta maskaxda ee maamusha in qofku waxyaabaha qaar iska xakameeyo ay saamayn weyn ku leedahay hurdo la’aanta, isla markaana ay sababto in qofku qaato go’aan aad u khaldan.

In maskaxda qofku yeelato qaybta xakamaysa go’aannada khaldan waxay ka badbaadisaa inuu khiyaamo kula kaco lammaanahiisa.
Qaybta hore ee maskaxda ee la yidhaa (Pre-frntal Cortex) waxay saamayn weyn ku leedahay xakamaynta nafta, waxaanay awood siisaa tamarta laga helo Glucose-ta.

Markasta oo dadka maskaxdoodu ka fikirayso joojinta go’aamada khaldan waxay isticmalaan tamarta glucose-ta, balse marka qofku aad u isticmaalo waxa uu noqdaa mid qaata go’aamo khiyaamo leh oo aan sax ahayn.

Hurdo la’aantu waxay joojisaa isticmaalka Glucose-ta amma in tamar gaadho qaybta hore ee maskaxda, taasina waxay keentaa in qofku ku dhaco go’aamo uu ku khiyaamaynayo lammaanaha nolosha la wadaagaya amma uu jecel yahay.

Mr. Christopher Barnes oo wax ka dhiga cilmi- kulliyadda ganacsiga ee Jaamacadda Harvard Business oo baadhistan falanqeeyey, ayaa sheegay haddii qofka Glucose-tu ku yaraato inuu noqdo mid go’aamo xun ku dhaca.
Waxa kaloo Mr. Barnes iyo asaxaabtiisu ay xuseen in qofka hurdadu ku yaraato badanaa noqdo mid khiyaamo badan oo maskaxdiisu ku dhaliso in uu dadka xidhiidhka jacayl ka dhexeeyo khiyaamayso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada