daajis.com:- Wararka ka imaanaya deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay maqribnimadii caawa la wareegeen deegaankaas oo hoos-yimaada Maamulka Puntland.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa doomo ku galay deegaanka Garacad oo ah deegaan xeebeed, kadib markii ay ka baxeen degmada Xarardheere iyo deegaanada Koofurta Mudug.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalyahanada Shabaab ee gaaray Garacad ay gaarayaan boqolaal, waxaana maalmihii u dambeeyay isgaarsiinta Koofurta Mudug ay aheyd mid hawada ka maqneyd, sababo ku aadanaa dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadeen deegaanadaas.
Dadka deegaanka Garacad ayaa xaqiijinaya inay jiraan dagaalyahano fara badan oo maqribkii caawa gudaha u soo galay, kadib markii dhinaca badda ay doomo kaga yimaadeen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan wararka sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen Garacad.
Deegaanka Garacad ayaa ka tirsan degmada Jariiban ee Gobolka Mudug, waa deegaan xeebeed caan ku ahaa kooxaha burcad badeedka oo saldhigyo ku lahaa, waxaana 10-kii sano ee u dambeysay deegaankaas uu ahaa mid aad u ballaartay.
Waa markii u horeysay ee Al-Shabaab qabsadaan deegaan ka tirsan Puntland, marka laga reebo in dagaalyahano taabacsan Al-Shabaab oo saldhigyo ku leh buuraleyda Galgala, halkaasoo dhowr jeer oo hore uu dagaal ku dhex maray ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:45 and have
, Published at