DEG DEG:- Diyaarad laga leeyahay Masar oo la afduubtay, laguna qasbay inay ku degto Qubrus

DEG DEG:- Diyaarad laga leeyahay Masar oo la afduubtay, laguna qasbay inay ku degto Qubrus

daajis.com:-  Diyaarad ay leedahay Shirkadda EgyptAir oo la afduubtay ayaa lagu qasbay inay si deg deg ah ugu degto garoonka diyaaradaha Larnaca ee Jaziirada Qubrus.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus 320 duulimaadkeeduna ahaa MS181 ayaa waxaa la socday 81 rakaab ah ayaa ka soo duushay magaalada Alexandaria, iyadoo ku soo jeeday magaalada Qaahira.

Mid ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa sheegay inuu u xiran yahay jaakadaha qarxa, taasna ay keentay in afduub ahaan diyaarada lagu qabsado.

Duuliyaha Diyaarada ayaa sheegay in rakaabka ay u sheegeen in nin xiran jaakadaha qarxa uu diyaarada saaran yahay, isla markaana lagu qasbay inuu ku dego Jaziirada Qubrus.

Garoonka diyaaradaha ee Larnaca ayaa la xiray, iyadoo la kansalay duulimaadyadii imaan lahaa oo qaarkood meelo kale loo wareejiyay
Diyaaradda EgyptAir ayaa sheegtay in dhamaan rakaabkii diyaarada la sii daayay, balse qaar ka mid ah shaqaalaha diyaarada iyo afar ajnabi ah la heysto.

Illaa iyo hada ninka la sheegay inuu diyaarada afduubtay wali wax dalab ah ma aanu ka soo bixin, waxaana socda wada hadalo lala leeyahay ninkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada