DF: Weerarada ka dhanka ah Al-shabaab waa la joogteyn doonaa

DF: Weerarada ka dhanka ah Al-shabaab waa la joogteyn doonaa

daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la adkeeyay ammaanka Dalka, wixii ka dambeeyay weeraradii maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geysteen qeybo ka mid ah Dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka dalka, wixii ka dambeeyay weeraradii argagixisada Shabaab ay ka geysatay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Iyada oo toddobaadyadii u dambeeyay ay jiraan duqeymo lagu bartilmaameedsanayo Saldhigyada Shabaab ayaa Wasiirka, waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan duqeymahaasi si dalka looga saaro argagixisada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay labo jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
“Ciidamada dowladda oo kaashanaya dowladaha aan saaxiibka nahay, waxa ay jab xoogan u geysteen argagixisada Al-Shabaab, wayna sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa hadalkaan jeediyay kaddib markii isaga iyo mas’uuliyiin kale ay shalay kormeer ku tageen Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay kasoo degtay Diyaaradda Jubba, kadib qaraxii Daallo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada