Dhageys: Puntland oo Dowladda federaalka ku eedeysay in Shabaab usoo fududeysay soo gelida Puntland

Dhageys: Puntland oo Dowladda federaalka ku eedeysay in Shabaab usoo fududeysay soo gelida Puntland

daajis.com:- Xukuumadda Puntland iyo saraakiisha ciidamada ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada cakiran ee kusoo korortay deegaanada xeebta ee gobolada Mudug iyo Nugaal, kadib markii xoogag taabacsan Al-Shabaab ay la wareegeen.

Kulumadaasi oo bilowday xalay ilaa saakayna socday ayaa waxaa markii uu soo dhamaaday ka hadlay wasiirka amniga Puntland, Cabdi Xersi Qarjab, isagoo xaqiijiyay in deegaano ka tirsan Puntland ay la wareegeen AL-Shabaab.

Wasiirku oo la rabay inuu ka hadlo qaabka ay ugu hortegayaan iyo tallaabada u diyaarsan ayaa wuxuu eedeeyn u jeediyay Dowladda Federaalka Somalia, isagoo sheegay in ay ay ka danbeyso xaalada kusoo korortay xeebaha Puntland, isla markaana ay soo abaabushay xoogagaan gudaha usoo galay Puntland.qarjab.
“Waxaanu la soconaa in abaabulkaan ay kooxahaan ku yimaadeen deegaanadeena inay gacan ku laheyd Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaad la socotaan in deegaanada Somaliland maalmahan wax laga sheeg sheegayay, oo Somaliland nafteeda wado” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.
Wasiirka ayaa diray fariin lagu kicinayo shacabka, isagoo ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaac iyo in uu bilow u yahay burbur cusub oo Soomaaliya ku yimaada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada