daajis.com:- Doowlada Soomaaliya, ayaa xabsiga dhigtay sarkaalkii watay ciidamada Milatariga Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose, Kadib markii Al-Shabaab ay weerar Xoog leh ku qaaday Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee degan halkaas, islamarkaana ay ku qabsadeen Gaadiid Dagaal oo gaaraya ilaa lix Gaari ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay Xirtay Saraakiil ka tirsan Ciidankii Laanta-buuro.
Ururka Koowaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Guutada Shanaad iyo Sargaal kale oo saraakiil ah ayaa xabsiga loo taxaabay,iyadoo saraakiishaasi lala xariirinayo inay wax ka Ogaadeen Weerarka lagu Furtay Gaadiidka dagaalka ee Laanta-buuro ka dhacay.
Dhanka kale Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Sheene ayaa sheegay in Saraakiishaas Baaritaan lagu wado.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at