daajis.com:- Iyadoo Dagaal qaraari uu ka socdo Deegaanadda Xeebaha Koofureed ee Maamulka Puntland ayaa waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Puntland u dirtay Saanad Milatari oo loogu talo galay in Puntland kula Dagaalanto Ciidamada Shabaabka ah ee deegaanadeeda soo galay.
Warar aan ka helnay Ilo ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Labo Diyaaradood oo Hub iyo saanad sida oo ka socday Dowladda federaalka ee Soomaaliya ay gaareen maamulka Puntland, kuwaas oo la filayo in isla maanta ay ka dagaan Caasimadda maamulk Puntland ee Garoowe.
Hubka Dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay maamulka Puntland ayaan la xaqiijin inta uu le’eg yahay cadadkiisa iyo Noocyada uu ka kooban yahay.
Inkastoo aanu wali Dowladda federaalka Soomaaliya ka hadlin Diyaaradahaasi Saanadda u sida ciidanka Puntland ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa Arrintaan Xilli Shalay ilaa maanta Ciidamada Puntland iyo Ururka Al-shabaab uu dagaal qaraar ku dhexmarayo Degaanadda Suuj iyo Garmaal oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Madaxweynha maamulka Puntland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in Dowladda Federaalka ay ku lug leedahay Ciidanka Shabaabka ah ee soo galay Deegaanadda maamulka Puntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:44 and have
, Published at