Dowladda Puntland oo Sheegtay in Shabaabkii ku Jiray Togga Suuj ay Baxsadeen (VIDEO)

Dowladda Puntland oo Sheegtay in Shabaabkii ku Jiray Togga Suuj ay Baxsadeen (VIDEO)

daajis.com:- Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu ka waramay xaaladda dagaalka ka soconaya Togga Suuj ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al Shabaab oo halkaasi dhuumasho ku soo galay bilawgii isbuucan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawlada Puntland Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Dawlada Puntland ay daba joogaan firxad Kooxii koobnayd ee ku jirtay God ka mid ah Togga Suuj, wuxuu sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen Maxaabiis ka tirsanaa Argagixisada.


Mudane Soocade ayaa sheegay inay jiraan qaar badan oo ka mid ah Argagixisada, kuwaas oo Maykoodu uu daadsan yahay Togga ay ku jireen, Wuxuuna yiri “waxaan shacabka Puntland ugu baaqaynaa Kooxda firxatay oo ku wajahan meelo gaar ah iyo kuwa iska yaacay intaba cidii aragta ay Dawlada laso socodsiiso si ciidanku ay meeshaa uga hawlgalaan oo loso qabqabto maleeshiyaad kaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo af jeri doono Wajiga 2-aad ee hawlgalka, wuxuu sheegay in dadweynaha reer Puntland ay dhowaan maqli doonaan War ay ku farxaan.

Waxaana uu sheegay Wasiir soocadde in hadda halka ay ku sugan yihiin firxadkooda uusan ka hadlayn oo ay tahay arrimo ciidan,ayna arrintan faahfaahin ka bixinayan marka ay soo qabqabtaan inta baxsadka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada