Gabadh Walbaa Haku Dayato Marwadaan Oo Kale, Nin Walbaana Haka Fogaado Wuxuu Wiilkaan Sameeyay.

Gabadh Walbaa Haku Dayato Marwadaan Oo Kale, Nin Walbaana Haka Fogaado Wuxuu Wiilkaan Sameeyay.

daajis.com:- Inta badan caruurta marka ay yar yihiin waxay aaminsan yihiin in waalidkood uu xaasid ku yahay, kana soo horjeedo horumarkooda, balse taasi badalkeed waalidiintu waxay caruurtooda u qabaan jaceyl aan xad laheyn, waxayna ka fakaraan horumarka caruurtooda badalkii ay ka fakari lahaayeen horumarka naftooda.

Hada ka hor ayaa wiil dhalin yara ah waxaa uu aad u dhibsaday aabihii, isagoo rumeysnaa in aabihiis uu caqabad ku yahay jiritaanka noloshiisa, sababtuna waxay tahay odayga caruur dhan wuxuu kalahaa wiilkaas kaliya, wuxuuna wiilkiisa ka codsaday in ay guri kuwada noolaadaan xitaa markuu guursado.

wiilka ayaa wuxuu u arkayay hadii uu guursado in ay haboon tahay in uu meel gaar ah dego, laakiin kama uusan fakarin in aabihiis kali yahay oo hooyadii ay mar hore geeriyootay, odaygana aysan u joogin caruur kale.

Maalintii dambe wiilkii wuxuu guursaday gabar uu jeclaa, guri ka fog halkii uu aabihii daganaa ayuu dagay, mudo ka dib waxaa loo dhalay wiil.

Gabadhii xaaskiisa aheyd oo ogeyd in wiilkana aabihii ka tala diiday ayaa markii ay umusha ka baxday waxay qaaday wiilkii yaraa waxayna u geysay hooyadeed, ninkii dhalinyarada ahaa markii uu habeenkii guriga yimid ayuu wuxuu arki waayay wiilkii yaraa ee uu dhalay, asagoo argagaxsan ayuu xaaskiisa waydiiyay halka ay wiilka geysay.

Gabadhii ayaa ugu jawaabtay gacaliye waa naga fogeeyay cunuga yar si aan labadeena nolosha ugu raaxeysano, oo hoyadey ayaan u geeyay, ninkii dhalin yarada ahaa ayaa qeyliyay oo afka furtay isagoo dhahaya “maxay tahay raaxada aad sheegeyo, aniga oo aan wiilkeyga arkin nolosha dhadhan iima laha xitaa caawa ma seexan karo waa inaa hada si dhaqso ah u keentaa.”

gabadhii ayaa ugu jawaabtay ka waran wiil 40 maalin kaliya dunida joooga ayaa sidaa ugu waalaneysaa, ma qiyaasi kartaa aabihii ku dhalay ee dhowr iyo labaatanka sano ku soo korinayay ee aad cidlada uga tagtay xaalada uu ku sugan yahay!!!!

Wiilkii ayaa garowsaday qaladkiisa, subaxdiiba waxay meel wada dageen aabihii iyo familkiisa cusub.

Faa’iido: marna ma dareemi karno jaceylka ay waalidkeen noo qabaan ilaa aan caruur dhalno.

Allahayow waalidkeen xifdi una naxariiso oo Janatul Firdows gee.

FG: Maadaama aan soo gudbinay qiso ku saabsan aabaha maalinta beri ah waxaan soo gudbin doonaa qiso aad u macaan badan kuna saabsan hooyada…..


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada