Gabar Nasiib Badan Ayaa Tahay Haddii Ninkaada Tilmaamahan Uu Leeyahay!

Gabar Nasiib Badan Ayaa Tahay Haddii Ninkaada Tilmaamahan Uu Leeyahay!

daajis.com:-Wuu Ku Tix Giliyaa : tix gilinta waxa aynu ulajeedaa in uu qadariyo shaqsiyadaada iyo go`aanadaada, xittaa haddii ay jiraan arimo uu diidan yahay qaab asluubeysan oo jilicsan ayuu u maraa .

Wuu Kuu Soo Xiisaa : waa calaamadda ugu xooggan , xiisaha kaliya ma aha dhanka hadalka ee ficil .

Run Lagu Daray Run : ogoow runta waa as-aaska jaceylka guusha iyo xaqiiqda , jaceylka jaceyl ma noqonayo haddii saldhigiisu uu yahay been iyo qiyaano .

Wuu Ku Dhiira Giliyaa Isla Markaana Ku Garab Taagan Yahay : haddii kacaliyahaaga ku garab taagan yahay oo uu ku dhiira gilinayo isla markaana uu gacan kuu fidinayo oo uu kaa caawinayo wax waliba oo aad hamineyso yaa salaam kan waa caano ma daadshe oo lamaba helo ee ku dhag .

Wuu Kuu Dul Qaataa Isla Markaana Caradiisa Ayuu Liqaaa : ninka oo fahma xaskiisa una dul qaata xaaladaheeda waxa uu muujinayaa jaceyl iyo daacadnimo uu qalbiga ugu hayo .

* Munaabadda Guurkiina Waa Uu Xasuusan Yahay : Rag yar ayaa xasuusta munaasabadda guurkooda haddii uu arintaan xasuusan yahay xagiisa qiimo ayaad ka leedahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada