Gabar U Dhimatay Markii Jaceylkeedi Oo Geeri Lagu Tirinayey Warqad u Soo Diray (Qiso Dhab Ah)

Gabar U Dhimatay Markii Jaceylkeedi Oo Geeri Lagu Tirinayey Warqad u Soo Diray (Qiso Dhab Ah)

Qisadaani oo ah mid dhab ayaa waxa ay ku dhacday Gabar u dhalatay Dalka Syria taasoo ku dhawaad 4-Sano ninkeeda aan kawar helin nolol iyo geeri toona.
 
Gabadhaani oo lagu magacaabo Basma Ayuub oo ah 24-sano jir ayaa Afar sano kadib waxa ay heshay warqad kaga imaaday Ninkii iyada qabay oo lagu la’aa geeri iyo nolol, Basma oo ahayd Gabar sabar badan ayaa waxaa maalin si lama filaan loogu keenay Warqad ay ku jirtay Bashqad Ubax ku hareersan oo kaga imaaday dhanka Xamza Mohamed oo ahaa ninkii iyada qabay.
 
Basma oo aan maleysaneynin in Ninkeeda Xamza Mohamed uu noolyahay ayaa waxa ay dukatay kahor inta
aynan.

furin warqada ‘’salaad sunno ah’’ intaa kadib waxa ay u guda gashay inay aqriso qoraalka kaga imaaday dhanka ninkeeda Xamza, waxaana xusid mudan in Basma ay warqada ku aragtay Erayo halku dhig ah oo ay ku garaneysay ninkeeda Xamza. 
Nasiib daro Basma waxa ay u dhacday Dhabar-dhabar, waxa ay gabtay hadalkii,  Saddax mar aye indhaha kasiisay ‘’bilik bilik bilik’’ waxaana halkaasi kaga baxay Naftii.
 
Si kastaba ha ahaatee Ehelada ay kasoo jeedo Basma waxa ay sheegen in Basma ay sababsatay Warqadii kaga imaaday dhanka Ninkeeda Xamza oo ay mooged ku dhawaad 4-Sanno waxaana lagu aasay iyada oo wadata Warqadii kaga imaaday dhanka ninkeeda.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada