daajis.com:-Gabadh
walba waxa ay ku hamisaa sidii ay ku heli lahayd qof jaanis ah oo
wanaag oo dhan kulansadey balse nasiib daro qof walbaa ma heli qofkii uu
doonayay balse waxaa nasiib oo dhan ku dhamaadey gabadhii heshaa Ninka
astaamahan leh.
1. Ninka caqliga u saaxiibka ah
Ninka markii uu yahay
nin waayo arag ah caqli iyo maskax dagan leh gabadha la fahmi kara
xaalad kasta, wax kasta si xikmadeesan ugu jawaaba, go’aanadiisa ey
yihiin kuwa aan ku jirin degdeg siimo, xilkasnimo u dheertahay, dareemi
kara xaalada gabadha xiliga ay faraxsantahay kuna abuuri kara farxad,
fudeed uusan ku jirin ninka sifadaas iska leh gabdhaha aad ayee u jeceyl
yihiin, gabdhaha ma jecli ninka fudeedka ku jiro waxaa u sawir maya
hadii ay is guursadaan dulqaad la aantiisa in ay sababi karto furiin,
dumarkana ma jeclo furiin.
2. Nin isku kal soon
Marka uu ninka isku
kalsoon yahay uusaran ku tiirsaneen gacan kale, go’aanadiisa isaga ugaar
yahay, markasta aaminsan in uu wax kasta qabsan karo baahi kasta ay
jirto uusan hoos tagin dad kale, markastane aaminsan in noloshiisa uu
meel marin karo, dadaal iyo wax qabad ka muuqda ninka sifadaan leh
dumarka ma siidaayaan, ma jecla dumarka ninka ku tiirsan dad kale,
markasta dumarka waa kuwa jecel nin wax qabad leh oo isku filan.
3. Nin wax curiya (hal abuuur ama keena fikir cusub)
Ruux kasta wax ma curiyo
mana ahan (creative), ninka markii uu yahay nin creative markasta
maskaxdiisa ka soo baxaan aragti iyo nashqad cusub dumarka ninka
sifadaan leh aad ayee u jecel yihiin, qofka markii uu wax curiyo sida
hees ama gabay ama uu yahay nin designer ah(sida nashaqada gawaarada,
teleefoonada, dhisada guryaha qaab cusub, barnaamij cusub abuurid wax
cusub ku soo kor dhin bulshada ) magaciisa wuu meel maraa ilaa ay
saxaafadaha soo qaataan, farxad waxaa ugu filan gabadha in ay aragto
gacaliyaheeda oo magaciisa meel mara, dadkuna way is waydiiyaan waxay
dhahaan way u dhacatay ninkaan gabadhii uu helo, sidoo kale gabadha ayaa
ka hesha bulshada dhexdeeda qadarin.
_____________________
4. Nin roomaantis ah
Ninka markii uu yahay
roomaantis uu hadal macaan yahay (ereyo mac mac ku dhaha gacalisadiisa)
noloshiisa ku dabaqa jeceyl iyo raxmad, uu la imaado dabacsaaan, xaalad
kasta tusa in gacalisadiisa uu u haayo dareen jaceyl markasta ay u tahay
qofka 1aad, aad u qiimaya aadna u kool kooliya markastana siiya hadiyo
dumarka ma siidaayaan ninka sifadaan oo kala leh, aad bay u jecel yihiin
dumarka ninka romaantiga ah nolosha wax ka fahamsan.
Dhammaan sifooyinka aan
kor ku soo sheegnay Gabdhii heshaa nin nuucaas ah waxay dhisatay Guri
Boqortooyo ee yaanay sii daayin ninkii nuucaan noqdana wanaag aduun
isagaa heli doona.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:00 and have
, Published at