Indha-cadde: Sirdoonka Somaliland iyo Al Shabaab Xiriir ayaa ka Dhaxeeyo (Dhagayso)

Indha-cadde: Sirdoonka Somaliland iyo Al Shabaab Xiriir ayaa ka Dhaxeeyo (Dhagayso)

daajis.com:- Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada Puntland iyo kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray goballada Nugaal iyo Mudug.

Gen. Indhacade oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay xiriir iyo wadashaqayn wanaagsan ay ka dhaxayso Ururka Al Shabaab iyo ciidamada Sirdoonka Soomaaliland, isla markaana ragga madaxda u ah Ururka Al Shabaab ay tagaan xilli kasta magaalooyinka Berbera, Boorame iyo Hargeysa sidda uu hadalka udhigay.


Yuusuf Indha-Cadde ayaa tilmaamay in deeganadda Somaliland ay muddo badan ku sugnaayeen hoggaamiyaasha Al-Shabaab ee ka dagaallama gobolladda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay maamullada Galmudug iyo Puntland inay dhammeeyaan khilaafka ka dhex jira isla markaana ay u diyaar-garoobaan dagaallada lagu jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana aan fursad loo siin in Shabaabka  ay soo weerarraan deegaanadaasi.

Indha-Cadde ayaa ku celceliyay in sirdoonka Somaliland iyo Al-Shabaab uu xiriir ka dhexeeyo maadama qaar badan oo ka mid ah horjoogayaasha kooxda ay ka soo jeedaan deegannada Somaliland.

Wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland in aysan gabaad siin wax ugu ku yeeray cadowga Soomaaliya oo ah kooxda Al-Shabaab.

Wuxuuna yiri “Ninkii abeeso koriyoow adigaa u aayi” .

Waraysigan Generaalka ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo ka badan toddobaad ay ku dagaaallamayeen ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab deeganno ku yaalla goballada Mudug iyo Nugaal.

Dhagayso


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada