Lamaanahaaga Oo Aad Siiso Passwordkaaga Maxaa Kaaga Imaan Kara ? Talooyin Muhiim Ah.

Lamaanahaaga Oo Aad Siiso Passwordkaaga Maxaa Kaaga Imaan Kara ? Talooyin Muhiim Ah.

Inta badan Lamaanaha Soomaalida waa kuwa iyagoo kala fog Xariir wadaag noqda waxaase Sababay Dalkii oo burburay Dadkuna ukala qaxaan halka ay ku Nabadoonyihiin, Hadaba Lamaankaaga ood siiso Lambar Sireedka Cinwaankaaga Maxaa laga dhaxlaa Hoos ka akhriso.
Waxaa hubaal ah mar hadii aad Xariir wadaag tihiin qof kaa dheer wuxuu qalbigu nagaadaa kolkaad kalsooni ka hesho , Hadaba inta badan waxaa dhacda in Lamaankaagu kaa codsado usheegista “Password-kaaga” Lambar sireedka aad ku gasho Cinwaanadaaada weliba midka aad waqtigaas isku barateen.

Talooyinka ayaa anfacaya Labadaasi lamaan waxay noqoneysaa sidaan soo socota.
Midka Laweydiinayo Lambar sireedka & kan weydiinaya hal talo ayaan

siinayaa, taasoo ah inaadan ka talin Qalbi jabka Lamaankaaga iyo kaagaba , sababtoo ah Sheydaanku wuxu mar waliba qofka tusaa waxa aanan wanaagsaneen.

Waxaa suura gal ah in Qof agtaada/Agteeda kuweyn uu si kaftan ahi usoo diro Ereyo macaan maadaama ay ka dhaxeyso walaaltinimo ka qaalisan xariirka aad wada leedihiin.

Taladu waxay noqoneysaa inaad ka meer meerto Siinta Lambar sireedkaaga qofka aad Lamaanka tihiin , hadii ay dhacdo inaad siiso ama lagu siiyana kalsooni hakuugu ekaado in uusan Lamaankaagu waxba kaa qarineen ee uu kugu aaminay Hana ka keenin hadal dambe maadaama uu kugu sharfay qeyb kamid ah Sirtiisa.

Ogoow ma jirto sir uu kaa qarsanayo mar hadii si niyad leh kugu siiyey Lambar sireedkiisa sheydaanka la dagaal oo haka yeelin isku dirka uu idinka dhex aloolayo dagaal kala tag sabab.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada