daajis.com:-Kani waa 19 jir shaqaale warshadeed ah oo isa-sawiray asagoo u
galmoonaayo eeygii gashaantiisa waxaana lagu tilmaamay 30 mirir oo
waalli ah (30 seconds of madness)., waxaa laga dhaafay xabsi inuu galo
kaddib markii uu qirtay inuu galay fal dembiyeedka u galmoosho eeyga
lagu magacaabo: Ruby oo 4 sanno jir ah, sinjiga loo yaqaano “Bull
Terrier”.
Ninkaan wuxuu kashifmay oo la ogaaday markii gashaantiisa,Amber
Hickling oo 18 jir ah ay telefankiisa gacanta baartay, ayadoo ka
fiirinaysay sawirka cunuggooda. Sidaasaa lagu qabtay. Waxay aragtay
flimkii la duubay oo muujinaayo eeyga oo horay iyo gadaal asagoo
ruhmaayo u dhaqdhaqaaqaayo, waxayna filmkii ku wareejisay Booliska
bishii Jannaayo ee la soo dhaafay.
Miss Hickling waxay sheegtay inay ku qasbantahay inay ka takhalusto
eeydeeda Ruby, waayo uma dulqaadan karto inay ka fiiriso indhaheeda.
“Markii aan videoga helay waa jirraday, waa jaraynaayay, waa ooynaayay,
ma aan rumaysan karin”ayeey tiri.
“Waan la amakaagi lahaa haddii aan ku qabto asagoo i ajaraayo
(cheating ), Hase yeeshee, inaan ku qabto asagoo eeydaydii saaran waa
qalad heer ka duwan ah. Waxaa laga yaabaa inuu in muddo ah sidaa
yeelaayay, aniguna waxa qura ee aan ku ogaaday, waa inuu sawiray. waxaan
dareemay wasaq inaan ogaado inuu i taabto kaddib markii uu eeydayda ku
sameeyay sidaas.
“Markii aan ka walwalaayay haween kale, waxay ahay inaan ka walwalo
dabjoogtayda ( my pets). Markii aan maqlay xukunka waa niyadjabay. Waxay
ahayd inuu helo xukun intaa ka adag.
“Waa in xabsiga la dhigaa, haddii uu qof ahaan lahaa, waa la xiri
lahaa, hase yeeshee waa eey aan isdifaaci karin, waa xor, waan ka
yaqyaqsoonayaa, uma malayn maayo inaan weligay ka bogsan doono.
Waan la noolaan doonaa wixii uu Ruby ku falay, waana u xur inuu
xayawaan kale ku falo. Markaan Ruby eego, waxaan ka arkaa wuxuu wayne ku
sameeyay, ma aha isla eeydii, waa argagaxsan yahay, waa baqaysaa. Uma
dulqaadan karo inaan eego, sidaa darteed, waxaan u helay qoys ay dib ula
degto, waxaan dhumiyay eeydaydii iyo gashhaankaygii intaba. Tani waxay i
dareensiisay inkastoo qofka aad u malaynaysid inaad si wanaagsan u
taqaano, haddana ma garan kartid waxa ka imaan karo.
Xeer ilaaliyaha Paul Woods wuxuu maxkamadda Skegness Magistrates
Court u sheegay in Miss Hickling ay aragtay nin guskiisa ku suraayo,
kana siibaayo xayawaanka.
Shaqaale warshadeed Bryson, waxaa lagu xukumay 4 bilood oo xarig aan
muddo 2 sanno ah lagu fulinaynin (haddii uusan Muddadaas dembi kale
gelin), waxaana loo sheegay inuusan mar dambe xayawaan la keli noqon
karin. Waxaa intaa u sii dheer, inuu muddo 7 sanno ah uu saxiixi doono
diiwaanka dembiilayaasha galmada (Sex offenders register), waxaana la
siiyay amar kormeer (spervision order), lagu amray inuu eeyda dhibbanadda ah siiyo 80 pound.
Markuu xukunka dhacay, nin qaybta dadweynaha fadhiyay wuxuu ku qayliyay “Waa bahal, eey cod ma lahan.
Laga soo bilaabo dhacdadaan oo Gordon Holt oo dembiilaha difaacaayay
ku tilmaamay nacasnimo, Wayne waxaa dayriyay qoyskiisa iyo gashaantiisa.
Video-gu wuxuu socday 30 mirir, maxkamaddu waxay maqashay in Bryson
uusan biyo bixin, videogana uusan faafinin. Jane Ulyatt oo Wayne Bryson,
oo dembiilaha la deris ah, waxay tiri.
“Waa yaqyasi, waxyaalaha waxaad ka maqlaysaa majalladaha qalaad, laakiin, weligaa u malaymaysid ineey alaabkaa ka dhacaayaan.
Axmed Moxamed Axmed
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at