daajis.com:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta booqday degmooyinka Xamar Weyne iyo Xamar Jajab oo ay ka socdeen howlo nadaafadeed oo lagu furayay bulaacadaha biya mareenka ee wadooyinkaaasi ku yaal.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in burbur xooggan uu ka jiro bulaacadaha isla markaana ay xireen wasaq iyo caro isugu darsantay, isagoo sheegay in dayac tir deg deg ah ay u baahan yihiin goobaha buulaacadaha ee ee ku yaala magaalada, waxaana uu ku dhawaaqay mashruuc dib u dayac tir deg deg ah maamulka uu ugu sameenayo biya mareenadaasi.

“Waan aragnaa waxa halkaan ka jira maanta waa goobo u baahan dayac tir deg deg ah biya mareenadani waxaana soo dhow xili roobaadkii, waxaan anaga ka maamul ahaan bilaaweenaa in aan dayac tir xoogan ku sameeno bulacadaha magaaladda muqdisho oo dhan Shaqaalihii dhisi lahaa ayaana hada howsha ku jira oo maanta biloway waana sii wadeenaa, waxaan shacabka u sheegayaa in ay ka qayb qaataan dhimaha dalkooda oo ay gacan ka geestaan mashruuca dalkaaga ku dhisho Hal dollar” ayuu yri Gudomiye Madale.
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayaa shaqeyn bulaacadihii biya mareenka wadooyinka magaalada Muqdisho ku yiil, halka qaarkood lala baxay oo la iibsaday.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at