daajis.com:- Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug mudane, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu maanta ka hadlay Xoogaga Ururka Al Shabaab ee horaantii toddobaadkan bilaabay inay ku soo qul qulaan Deegaanada ku yaal Xeebaha maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay xilligan culeys wayn soo saaraan Deegaanada Puntland, taasoo halis ku noqon karta nabadda ka jirta Puntland & Galmudug.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay diyaar u yihiin in Puntland ay kala shaqayso sidii ay ku fashilin laheyd ama kaga hortaggi laheyd dagaal-yahanada faraha badan, ee maamulkeeda ku soo qul-qulay.
Ciidanka Badda NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay Xoogaga Ururka Al Shabaab ka wadaan dhinaca badda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidanka NATO ay masuuliyad ka saaran tahay la socodka dhaq dhaqaaqyada ay Shabaabku ka wadaan Xeebaha Somaliya, isagoona ugu yeeray inay ka hortaggaan halistooda.
Madaxweyne Guuleed oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa xusay in weerarada dhinaca cirka ee Shabaabka lagula beegsanaayo Gobolada Koonfurta Soomaaliya ay horseedeen in xoogag fara-badan oo Shabaab ah ay u soo wareegtaan Deegaanada Galmudug & Puntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:43 and have
, Published at