daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan deegaano ay kmaid tahay deegaanka Garmaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ay ku sugnaayen maleeshiyaadka Daacishta Somalia.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo labada dhinacba soo kala gaaray, waxa uuna tilmaamay in Khasaaraha dhimasho ee Daacishta Somalia uu hada gaaray 13.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Khasaaraha labada dhinac uu sii kordhaayo, balse uu yahay mid u badan dhanka Daacishta Somalia.
Saciido Mursal oo kamid ah shacabka gobolka Nugaal, ayaa sheegtay in Deegaanka Suuj oo ku dhaw Deegaanka kale Garmaal oo hoostaga degmada Den gorayo ee gobolka Nugaal ay buuxaan Meydad farabadan.
Saciido waxa ay tilmaantay in Meydadka qaar la kala garan la’ yahay, islamarkaana Maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay bilaaben inay dhameystiraan dhaawacyada uga waxyeeloobmay dagaalka.
Ciidamada uu Dagaalka u dhexeeyo ayaa kuwada labisan dareen isku midab ah, waxa ayna dadku kala garan la’ yihiin ciidamada labada dhinac.
Ujeedka ay Daacishta Somalia u dilayaan dhaawacyadooda ayaa ah inaan dhaawacyadaasi laga helin xog ku aadan amuurahooda.
Dagaalyahaanada Daacishta Somalia ayaa Seddex meelood Hal meel wata Qoryaha loo yaqaan Sabanka iyo PKM-ka oo kamid ah hubka sida aadka wax u gumaada.
Dhanka kale, Xoogaggii Al-shabaab ayaa weli ku sugan deegaan ku dhow Gara-cad oo ka tirasn gobolka Nugaal, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 400-qof , laakiin ay ku wajahan yihiin ciidamada Puntland oo saakay u dhaqaaqay deegaankaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:20 and have
, Published at