Maxaa sabbaba in shahwada raggu dhiig yeelato.. ?Sii Akhri Si Aad Uga Badbaado Arrinkani

Maxaa sabbaba in shahwada raggu dhiig yeelato.. ?Sii Akhri Si Aad Uga Badbaado Arrinkani

daajis.com:- Maxaa sabbaba in shahwada raggu dhiig yeelato.. ?Sii Akhri Si Aad Uga Badbaado Arrinkani   Shahwada oo yeelata dhiig waxay ragga galisaa cabsi iyo wal wal. 

Balse nasiib wanaag maahan shay keeni kara khatar caafimaad oo aad u wayn. Ragga kayar 40 sano oo aan lahayn wax calaamado ah ama aan isku arag waxyaalo kale oo cabsi galiya hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato maahan inay cabsadaan ama wal walaan, waayo xaaladani kuma ahan khatar caafimaadkooda wayna iska dhamaataa ayadoo aan la dawayn. Balse ragga da doodu ka wayntahay 40ka sano hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato waxay u baahanyihiin inay baaritaan caafimaad oo degdeg ah sameeyaan. Tusaale ahaan hadii aad isku aragtid qodobada soo socda waxaad u baahantahay inaad dhakhtar kala tashatid xaaladaada.

Hadii dhawr jeer ay shahwadaadu dhiig yeelatay  

Hadii aad calaamado kale isku aragtay markaad kaadinaysid ama aad biya baxaysid
Hadii aad qabtid cudurka kansarka iskuna aragtid dhiig la socda shahwadaada
Maxaa sabbaba in shahwada raggu dhiig yeelato:

Shahwada oo dhiig yeelata waxaa keeni kara waxyaalo badan sida;

Infekshan iyo caabuq: tani waa midda ugu badan oo sababta shahwada in ay dhiig yeelata, sida caadiga ah shahwadu waa dheecaan midabkiisu yahay cadaan balse marka uu jiro caabuq ama infekshan ku dhaca tuubooyinka soo qaada shahwada waxaa dhici karta in shahwadu yeelato dhiig.

Cudurada lagu kala qaado galmada: cudurada lagu kala qaado galmadda sida waraabowga iyo jabtada  ayaa door wayn ka ciyaara shahwada oo dhiig yeelata.

Dhaawac soo gaara xubinta taranka ragga ama tuubooyinka soo qaada shahwada: waxaa iska xad hadii meel dhaawac kaasoo gaaro in dhiig bax uu dhacayo sidaa darteed hadii dhaawac soo gaaro xubinta taranka ragga ama tuubooyinka soo qaada shahwada waxaa dhici karta in manida raggu yeelato dhiig.

Tuubooyinka soo qaada manida oo xirma: waxaa jira xidido iyo tubooyin badan oo ku hareeraysan xubnaha taranka ragga kuwaasoo ka qayb qaata soo saarida manida, balse nasiib daro waxaa sahlan in xididaas ama tuubooyinkaas xirmaan, hadii taasi dhacdana waxaa dhacaysa in dhiigii marayay xididada uu jeexo darbiga xididada kadibna ku darsamo shahwada.

Kansarka ku dhaca qanjirka borosteyt-ka: ayaa sidoo kale qayb ka qaata iyo dhiiga iyo shahwadu isku darsamaan.

Calaamadaha lagu garto manida dhiiga yeelata:

  • Kaadida oo ku gubaysa xanuun darana yeelata
  • Kaadi haysta oo aan marnaba maranayn
  • Kaadi haysta oo xanuunta Marwalba oo kaadi soo gashabab
  • Biya baxa oo xanuun yeesha
  • Xubinta taranka ragga oo barrarta
  • Qandho, cadaadiska dhiiga oo kaca iyo wadne garaacis


Talo

Hadii aad ka yartahay 40 Sano manidaadana aad dhiig ku aragtid badanaa uma baahnid inaad dhakhtar u tagtid hadiiba;

  • Aadan Isku arag calaamado kale
  • Aad samaysay baaritaan ama qaliin  la xiriira qanjirka borosteyt-ka kaasoo kuu cadeeyay in qanjirku xoogaa yar dhiig ah soo daynayo
  • Hadii dhiiga la socda shahwadaada uu yahay mid yar kaasoo aan ahayn wax la arkayo waqti walba
  • Hadii da daadu ka wayntahay 40 sano dhiigna aad ku aragtid manidaada waxaad u baahantahay inaad dhakhtar la tashatid;

Hadii dhiigu uu kaadidada la socday waqti badan ama isbuucyoHadii dhacdadu marar badan soo laa laabatayHadii aad isku aragtay calaamado kale sida, kaadida oo xanuun ahHadii aad qabtid kansar ama cudurada galmada la iskugu gudbiyo

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada