Salaaxista haweeneydu,
kuma koobna oo qura labada naas, balse waxa loo baahan yahay in la salaaxo
meelo kale oo jirka kamid ah sida; labadeeda warqood, gudaha bowdooyinka,
gumaarka, faruuryaha cambarka, iwm.
Waxaan muran ku jirin in haweeneyda
ninkeeda ay jeceshahay uu labada cajar dhexdooda kaga salaaxo mid kamid ah
labadiisa gacmood, isaga oo isla markaasi tan kale kaga salaaxaya labadeeda
naas, ay dareento istiin iyo raaxo labanlaab ah.
Kolka gacanta ninku ay soo
maamusho naasaha iyo shafka xaaskiisa, waxay u degtaa dhinaca caloosha, iyada
oo salaaxaysa rugta xuddunta, dabeetana u jiitamaysa dhanka cajarrada iyo
gumaarka, halkaasi bayna in muddo ah ku noqnoqotaa.

Dhuuqmadii iyo istiinkii
xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh
aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa
waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento
in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho.
Halkaasi kolkay arrinimarayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa,
jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada
galmada lagu jiray.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at