daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Qardho soo gaadhey qaar kamid ah ciidamadii ka qayb galay dagaalkii lagu qaaday maleeshiyaadkii Alshabaab ee kasoo degey xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland, Waxaana la sheegay in 50 ka mid ah malayshiyaadkii soo duuley la diley, halka nolol lagu qabtey kuwo ka badan 30 maxbuus.
Ciidamada Puntland ee ka diriray Suuj iyo Garmaal ayaa qaar kamid ah weli baadi goobayaan meydadka iyo dhaawacyo haddii ay jiraan si ay u xaqiijiyaan amniga xeebahaas, dhinaca kale waxaa socda hawlgalkii Garacad, Iyadoo ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya gobolka Mudug ay sheegeen inay soo Afmeeri doonaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at