daajis.com:- Saraakiisha dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu nin hubeysan uu qal qal badani ka abuuray xarunta Capitol Hill ee magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka, Xaruntan Capitol hill ayaa ah meesha laga xukumo dalka Maraykanka
Ciidamada booliiska ee ilaaliya xaruntaasi ayaa la sheegay inay ninkaasi ka shakiyeen kadibna ay isku dayeen inay waraystaan laakii uu ninkani goobtii ka baxsdaday, kadibna ay toogasho ku dhaawaceen, waxaana rasaastii ay fureen ciidamada ay qal qal badan ku beertay dadkii ku sugnaa iyo kuwii ka ag dhawaan xarunta Baarlamaanka Dalka Mareykanka.
Xaalad Cabsi ah ayaa laga dareemayaa goobtii lagu dhaawacay ninkii hubeysnaa, waxaana ay arintaasi keentay in dadka lagu amro in ay ku sugnaadaan xarumaha ay ku jiraan, sidoo kale waxaa mudo saacad ah la xiray Aqalka Cad ee ee laga xumo dalka Mareykanka .
Askari katirsan Saraakiisha booliiska Magaalada Washington ayaa sheegay in dhacdadan asan aheyn mid argagaxiso la xiriirta balse ay aheyd mid la xariirta shaqsi, waxa uuna intaa raaciyay in booliiska ay hayeen xogta ninkan.
Xarunta Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa xiliga ay dhacdadan ka dhaceysay aheed mid aysan shaqo kasocon ayna fasax ku maqan yihiin Xildhibaanada, waxaana goobtaasi ku sugnaa dad u badan dalxiisayaal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at