daajis.com:- B. Ha isku dayin in aad xaaskaaga tusto in aanad ku qanacsanqyn cuntada ay kariso iyo hawsha ay guriga ka hayso, hadii aad wax saluugto si taxadir leh oo talo ah u abaar in aad toosiso ama aad saxdo wixii aad saluugtay adiga oo aan toos u sheegayn dhaliilaha aad aragtay.
T. Iska jir Shaydaanku waa cadawgiina, markasta oo uu ninku la hadlayo xaaskiisa shaydaanku waxa uu isku dayaa in u is fahamka ka xumeeyo oo uu dagaal ka dhex bilaabo.
J. Isku day marka aad la cuntaynayso xaaskaaga in aad cuntada mar mar afka ugu gurto, maxaa yeelay cuntada aad afka ugu gurtaa toos uma tagto calooha ee waxay toos u tagtaa qalbiga xaaskaaga, waxaanay sii kordhisaa jacaylka iyo muxubada ay kuu hayso.
X. Ka ilaali xaaskaaga Shaydaanka iyo dadka fidmo wadayaasha ah, maxaa yeelay waa waslad dheeman ah o u baahan in aad ka ilaaliso hagardaamooyinka shayaadiinta caadiga ah iyo kuwa dadka ahba.
Kh. U muuji xaaskaaga mar walba dhoola cadayn iyo qalbi furan.
D. Hadii aad aragto wax aan adiga agtaada macno ka lahayn oo ku weyn xaaskaaga ha dhayalsanin ee isku day in aad ka saarto inta aanay arrintaasi ku sii weynaan.
R. Ka digtoonow in aad u muujiso xaaskaaga ama aad kula kacdo nooc kasta oo cadaawad ah sida cadaawad nafsaani ah oo xaga qalbiga ah.
S. Tixgali had jeer talooyinka, fikirka iyo aaraahaha ay keento xaaskaagu, aad u dheayso, tus inaad si diiran oo kal iyo lab ah u soo dhawaynayso.
Sh.Ku amaan dadaal kasta oo ay samayso.
Dh. Ilaali xuduudaha jacaylka ee idinka dhexeeya adiga iyo xaaskaaga.
C. La xanaanee daryeelka carruurta, lana soco isbadalada ku imanaya rarbiyada carrurrtaada.
G. U keen wax ay ku faraxdo kuna qoo carabkeeda waxyaabaha macmacaan ee ay jeceshahay.
F. Sii wakhti badan in aad la qaadato xaaskaaga iyo ciyaalkaaga.
Q. Ogaysii markasta oo aad meel u safrayso, una sheeg wakhtiga aad soo noqonayso.
K. Ha ka bixin guriga iayada oo ay xaaskaagu kuu cadhoonayso.
L. Fuli awaamiirta Ilaahay ku faray ee uu kugu waajibka yeelay oo ay ka mid tahay xaqa ay kugu leedahay ooridaadu.
M. Waa in uu midba kina kale ku dhiirigaliyaa cibaadada Alle, qorshee in aad damacsantahay in aad xajka ama Cumrada u wada baxaysaan adiga iyo xaaskaagu, habeenkii hadii kartaan wada tukada Taajudka.
N. Waa in aad ogsoonaataa oo aad ku dhaqantaa mar walba xuquuqda ay kugu leedahay xaaskaagu, loomana baahna in aad warqad ku qoroto xuquuqaha ay kugu leedahay ooridaadu laakiin waxa lagaaga baahan yahay in aad si dhab u fuliso oo aad ku daabacdo dareenka qalbigaaga.
W. Iska jir aan aad xaaskaga ku ag amaanto gabadh kale oo aan iyada ahayn.
H. Booqo oo qoyska xaaskaagu ay ka soo jeedo una muuji in aad u heysi ixtiraam iyo qadarin.
Y. Markasta oo aad is af dhaaftaan xaaskaaga ha u sheegin dadka kale.
A. Si daacadnimo ah ugu muuji oo ugu fidi oorodaada in aad si dhab ah u daryeesho caafimaadkeeda maxaa yeelay caafimaadkeeda oo aad daryeeshaa waxa uu astaan cad u yahay in aad si dhab ah u jeceshahay xaaskaaga.
E. Ha u qaadan ama ha aaminin in aad adigu mar walba sax tahay
I. La qaybso xaaskaaga farxada, murugada iyo dhibaatooyinka soo wajaha oo dhan.
O. Ka caawi xaaskaaga oo tus in aad mar walba u hayso naxariis, siiba wakhtiyada ay aadka u dhiban tahay ee ay uurka leedahay.
U. La sheekayso oo ula haasaw xaaskaaga si la mid ah sidii aad ula haasaawi jirtay markii aad is guursanayseen, si jacaylkiinu aanu u duugoobin.
1. Ha isku dayin in khalad kasta oo ay xaaskaagu gasho aad ku saxdo xoog iyo khasab.
2. Noqo mid u dhega nugul had iyo jeer dareenada iyo doonista ooridaada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at