gaar ahaan kuwa loo yaqaano Coronary heart disease (CHD) ee ku dhaca xididada waraabiya wadnaha cuduradan waxey ugu dambeyntii keeni karaan wadnahoo istaago iyo dhimasho.
Siyaabaha uu cayilku u sababo cudurada wadnaha waxaa kamid ah in dhiiga ey ku badantahay dufanta sida cholesterol, dufanta badan waxey xiri kartaa xididada waraabiya wadnaha, sidoo kale dufanta oo ku badata dhiiga waxey adkeyneysaa guud ahaan xididada jirka taasoo culees ka dhigeysa in wadnuhu u bambeeyo dhiiga sidi loo baahnaa, wuxuuna wadnuhu u baahanayaa awood dheeraad ah si dhiiga uu uwada gaarsiiyo jirka oo dhan, taasoo shaqada wadnaha kordhineysa, islamarkaane wadnuhu qudhiisu wuxuu u baahanayaa dhiig dheeraad ah, waana sababta keenta in qofka cayilan uu daal badanyahay goorta uu socdo ama uu ordayo.
CUDURKA MACAANKA/SOKORTA (DIABETES): waxyaabaha ugu badan ee sababa cudurka Macaaanka gaar ahaa nooca labaad (type 2) waxaa kamid ah cayilka Marka aan cunteyno bankariyaasku wuxuu soo daayaa dheecaan loo yaqaano Insulin, dheecaankan wuxuu unugyada jirka gaar ahaan baruurta iyo murqaha ka saacidaa in ey sokorta ka dhuuqaan dhiiga si ey ugu adeegsadaan awood soo saarida, hadaba cayilku wuxuu Macaanka ku sababaa labo qaab, qaabka koobaad oo ah baruurta oo badaneyso, taasoo keeneyso in Insulin-ku uusan ku filneyn, qaabka labaadne waa isbadalo ku imaanayo nidaamka ey unugyadu ku aqbalaan Insulin si albaabada loogu furo sokorta, taasoo keeneyso in unugyadu eysanba dhag shaq u siinin hormonka Insulin islamarkaane albaabadu ka xirnaadaan sokorta oo ey dhiiga iska dhex dabaalato.
KANSARKA (CANCER): cayilku wuxuu kamid yahay waxyaabaha ka qeyb qaata kordhinta fursadaha qaar kamida kansarada sida kansarka naaska, kan ilma-galeenka, kan pancreas-ka iyo kuwa kalaba , wadooyinka uu uga qeyb qaato waa ey badanyihiin waxaana kamid ah: unugyada baruurta waxey soo daayaan hormonada qaar sida Estrogen, hormanka Estrogen oo kor ukacana waxaa lala xiriiriyaa kansarada qaar sida kan naaska iyo ilma-galeenka.
DHIIG-KARKA (HYPERTENSION): sadax meelood labo meel dadka cayilan waxey halis ugu jiraan dhiig-karka, marka lagasoo tago habka shaqada wadnaha oo bato uga qeyb qaadan karo dhiig-karka, waxaa jiro siyaabo kale oo cayilku u sababo dhiig-karka, siyaabahaas oo inta badan lala xiriiriyo hormonada jirka iyo hab u shaqeyntooda. Heer-karka dhiiga hababka ugu muhiimsan ee jirku u maamulo waxaa kamid ah nidaam hormonal ah oo loo yaqaano renin-angiotensin-aldoster one system, nidaamkan oo talaabtiisa ugu horeysa kasoo qaado kilyaha, sidoo kalane talaabtiisa ugu dambeeysa ku sameeyo isla kilyaha, hadaba baruurtu waxey saameysaa hab u shaqeynta kilyaha taasoo isbadal ku keeneysa heer-karka dhiiga (blood pressure).
DHIIG-FURANKA MASKAXDA (STROKE): waxaan kor kusoo xusnay in cayilku uu sababo dhiig-karka, dhiig-karkuna wuxuu safka hore uga jiraa asbaabaha keena dhiig-furanka maskaxda.
Sidoo kale waxaa jiro cuduro kale oo lala xiriiriyo cayilka, sida cudurada beerka iyo xameetiga, kuwo ku dhaca lafaha iyo kala goysyada, kuwo la xiriira taranka, iyo naqaska oo xirma xiliyada hurdada.
Hadaba caafimaad-darradaas waa mid mudan in laga hor tago, soomaaliduna waxey ku jirtaa dadka ugu nugul cayilka, taasoo loo aaney karo raashinka iyo jimicsi li,ida. Hadaba habka loo rido ama loo baa,biyo cayilka waxaan uga hadli doonnaa insha,allaahu tacaalaa maqaaladeena dambe.
Wabillaahi towfiiq.
W/Q: Dr. Axmed Xalaal Waaxda horomariinta caafimaadka dalada dhakhaatiirta jiilka cusub.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at